Peace Symbol

Peace Leaders

Brother of Osman
Prof. Omar Sheik Osman
Spacer
Colonel Abdi
Col. Hussein Musse Abdi
Spacer
A Song for Somalia
Spacer
 
Abwaan Sahal Moalim Ciise
Somalia Peace Conference
Spacer
image divider image divider
bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)
image divider
english flag      somali flag
menu divider
contact link
menu divider
Website Hosted by Free Virtual Servers
menu divider
 
  left logo first image  
   
image divider
image divider
|  Home  |  Opinions  |  Total Views =  |

 

Alfu leyl wal leyladii- Lamada Shariif -Kun habeyn iyo habeykii: waa Tii Ali iyo Caydiid-1991

 

Wadanku waa wadankii,Shacabkuu waa Shacabkii, dhibatado Waa dhibaatadii waati 1990. Siyaasiyiinta waa kuwii, kana sii daran hadana isku magaca bay noqdey Lamada-Shariif:

Dhamaan siyaasiyinka Somaliyeed waxey iskugu mid yihiin: damaacinimada,dalaalnimada,duudsiga,doqonimada,daryeella’aanta,dareen xumida iyo shisheeye dugaalsiga,hadiisan intaas kasi dareney.

 

Shacabka Somaliyeed maanta waxaa ku habasatey:Olaado,Abaaro,Gajo,udur,Jahli.Hadeer maqaalka aan qoroohaayo waxaan jooga Shabeelada hoose waxaan u jeeda dad u dhimnaayo Gajo: Curuur, Waayeel, Dumar iyo lucafadii waxey dhimanoohaayo dhamashaduna waa li mid 1992 oo u yaraan (1,000.000.000) ummada Soomaayeed Gajo u dhimatey, Magalooyinka qaarkooda loo bixiyey Magalooyinka Dhimashada sida (Baidoa), hadeer hadii Ummadan wax loo qaban caqib xumadeda ay leedahey.



Waa naxdiin weyn igu ah, oon la yabanahey, Shariif Xassan Sheik Adan waayo Gobolada hadeer dhamashada iyo musibada ku furarto waa Gobolda Godomiyaha barlamaanka ka soo Jeedo, in uu Gargaaro iska dayee Ummadiisa, waxaa laga weysanyahey baaq in uu soo Jeediyo Beesha Calamka si loo badbaadiyo Ummada degan deegadanadaas oo ah Gobolada koonfureed, Sida , shabeelda hoose, Bay, bakool,Gedo, J/dhexe iyo Jubbada Hoose. i.w.l. Shariifa Xassan Wuxuu ku mashquulsnahey in uu wasiirnimo u raadiyo shakhsiyaad aan Digilmirfle shaqo ku leyeen. Dadkii sababta u ahaan in uu noqodo Godoomiye barlamaana Gajo ayey darbiyada la jiifaan.



Ayadoo lamada shariif Villa Somalia cunto kala nocnoc ah ku cunayaan kuna faakiheysanaayo, darbiga villa Somalia dhankiisa kale waxaa gajo u dhimanoohoo shacabka Somaliyeed,ayagana waxay ka doodayaan, Dajo iyo hantida Qarnka sidii loo dhici lahaa, ayagoo Jaran jaro ka dhiganaayo Lafaha Shacabkooda.



Qisado waa tii 1992, dhimashaduna waaa tii 992, shacabka dhimashada ku socoto: Digilmirfle, Jereerweyn, eyle iyo looma Ooyanka, Ebow, Ilaahow Shacabka Somaliyeed u gargaar.



Aan si kale u dhigo.Faaladeeyda waxaan ku soo gunaanadayaa,ISMOOG SOOMAALIYEEY,MASUUL YAAN U DOORANAA,OO AAN MEELNA LAGA LAHEEN?? Jawaabtuna waa sidaan:

MA JIRYO ,NOOMA JOOGO,IMINKA NOOMA MUUQDO,MA HEYNO,MA ARKO,QOF FIICAN!!

Waa qalankii

Mumina Mursal




0 Replies

Visitors online = 2